Wararka Wargeyska OGAAL, Axad, 06 July,

July 6th, 2008

Nuxurka Kulankii saacadda iyo badhka qaatay ee Madaxtooyada
 
Heshiis M/weyne Rayaale iyo Ganacsatada
Xooluhu xalay ka gaadheen Dhoofka Xoolaha
Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ee ka cabanayay heshiiskii Xukuumaddu dhoofka Xoolaha ugu keliyaysay Ganacsadaha Al-Jaabiri, ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.
Inkasta oo cabasho Xoog …


CALOOLYOW (Gabay)

July 6th, 2008

 
Gabaygan waxa loogu baroor-diiqayaa dhalinyarada Soomaalida ah ee Xeebaha Carabaha isku biimeeya si ay Yurub u galaan.  Waxa gabyaaga gaar ahaan ku kalifay, ka dib markii uu abti u yahay oo la yidhaahdo Maxamed Jaamac Orshe (Caano) loo soo sheegay in uu ka mid yahay dhalinyarad Xeebta Libiya isku biimaynaya si ay Yurub u galaan.  …


Wararka Wargeyska OGAAL, Sabti, 05 July

July 5th, 2008

Xaflada aan nooceeda hore loogu arag Somaliland oo Xalay lagu qabtay Hargeysa
 
Hargeysa (Ogaal)-  Urur uu horsocdo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuba, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa xalay Magaaladda Hargeysa ku qabtay Xaflad aan nooceeda hore Somaliland loogu arag, taas oo ay ku xuseen, uguna dabaal-degeen maalinta Midnimada …


Somaliland Foreign Policy in Djibouti is the right Strategy

TOP
July 5th, 2008

I believe Kulmiye Party and its leadership, being the first to announce its Foreign Policy position on the Djibouti-Eritrea conflict, made the right policy decision and demonstrated skills necessary to articulate policy that states to the people in Djibouti and their government that Somaliland will stand with them against the attacks from Eritrea, despite the current position the Djibouti government about Somaliland recognition.


Lafo-gurka Hadaladii Marwo Huda Ee Gobolka HAWD

July 4th, 2008

Axadii toddobaadkan, waxa magaalada Baligubadle lagu qabtay munaasibad loogu dabaal degayay wanqasha gobolka HAWD oo ka mid ahaa 7 gobol oo uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin laba bilood ka hor magacaabay.
Munaasibadaas loo qabtay dabaal degga gobolka HAWD, ayaa waxa ay huwanayd laba arrimood oo taariikh iyo siyaasi ah. Sidaas darteed, ayaa xafladaasi waxa ay noqotay …


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo si diirran loogu soo dhoweeyey Hargeysa

TOP
July 3rd, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib markii uu sii dhammaystay socdaal uu muddo bil ku dhow ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo oo ay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay kaga hortageen, si diirranna ugu soo dhoweeyeen xubnaha kale ee hoggaanka …


Inside the Obamacans and McCainocrats

July 3rd, 2008

This is not a fringe festival — Republicans who now support Obama count among their ranks Ike’s granddaughter Susan Eisenhower; Milton Friedman’s son, David; former Sen. Lincoln Chafee (R-R.I.); conservative legal scholar Douglas Kmeic; and Reagan’s assistant secretary of defense, Lawrence J. Korb.


Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 03 July

TOP
July 3rd, 2008

Maxaa kala qabsaday M/weyne Rayaale iyo Weftigii Ganacsatada Sacuudiga?
 
“M/weyne in Ciise wada
casheeyo miyaanay Xeerkeena ku jirin?”
Hargeysa (Ogaal)- Wefti Ganacsato Sacuudiyaan ah oo ka ganacsada Xoolaha oo Isniintii toddobaadkan socdaal ku yimi dalka, ayaa la sheegay inay shalay gelinkii dambe dib ugu laabteen dalka Jabuuti ka dib markii ay sida la sheegay ay ku hungoobeen …


Dood dhexmartay Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mohamed A Omar: Maxaa kale kaxeeyay Somaliland iyo Somaliya

July 3rd, 2008

(The Hague, Holland) Radhiyow ku yaala dalka Holland ayaa abaabulay dood ku saabsan madaxbanaanida Somaliland oo ay ka qaybgaleen Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mohamed A Omar. Labadan aqoonyahan oo ka soo jeeda Somaliland waxay aad ugu kala duwan yihiin fikirkooda siyaasadeed ee la xidhiidha jiritaanka Somaliland.


Daahir Riyaale oo qorshaynaya in loogu dhawaaqo Musharraxnimada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB

TOP
July 3rd, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyaha xisbiga Talada haya ee UDUB, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa qorshaynaya in loogu dhawaaqo mar kale in isaga iyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ay yihiin musharraxiinta xisbiga UDUB, iyada oo aanay cidi kula tartamin.


Laanta Norway ee Xisbiga Kulmiye oo Guddi Cusub dooratay (Daawo Sawirada)

July 3rd, 2008

Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Laanta xisbiga Kulmiye ee Norway 29-kii bishan june ayaa lagu doortay guddi cucub, laguna falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah. Arrimaha lagu gorfeeyey shirka ayaa badi ku saabsana danaha iyo ujeedooyinka Laanta Kulmiye ee Norway.

Ugu horrayn wuxuu shirweynuhu ansixiyey xeer hoosaadka Laanta, xeerkaas oo ay ku qeexantahay hab maamulka …


“Ma garan goorta ay madaxtooyadu isku bedeshay rug caafimaad oo lagu baadho maskaxda hogaamiyayaasha xisbiyada,” Xisbiga UCID

TOP
July 2nd, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga UCID ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay dhalliilo uu Guddoomiyaha xisbigaasi u jeediyey Daahir Riyaale iyo booqashadii uu ku tegey Jabuuti. Waxana uu xisbigu faahfaahin ka bixiyey siyaalaha uu u dhalliilsan yahay booqashadii Jabuuti iyo hoggaamiyaheeda.
Warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga UCID, Xasan Xuseen (Codyare), waxa uu …


Wefti Ganacsato Carbeed ah oo Booqasho Dalka ku Yimi iyo Dareennadii ku Xeernaa soo Dhoweyntooda

July 2nd, 2008

Hargeysa (Jam)- Wefti culus oo ah ganacsato Carbeed oo ka baayac-mushtaraysa dhoofka xoolaha nool, ayaa Isniintii maqribkii booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland, iyadoo ganacsatada madaarka ku soo dhoweeyey ku kala aragti duwanaayeen in warbaahintu la kulanto xubnaha tujaarta Carabta ah.
Weftigan oo ka kooban 11 xubnood, waxa hoggaaminaya Sheekh Abu Yaasir Maxamed Tajir oo …


Jawaab Madaxtooyadu ka bixisay khudbad Faysal Cali Waraabe jeediyey: Waxay shaki gelisey Caafimaadkiisa Maskaxeed

TOP
June 30th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe. Waxayna calaamad-su’aal gelisey Madaxtooyadu caafimaad-qabka maxkaxeed ee Guddoomiyaha, iyada oo si ba’an u weerartay shakhsiyaddiisa siyaasadeed.
Afhayeenka Madaxtooyada, Mr. Siciid Caddaani Mooge ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray waxa uu kaga jawaabey hadal uu ka jeediyey …


Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Isniin, 30 June

June 30th, 2008

Sul. Maxamed Sul. C/Qaadir maxaa ka baajiyay xafladii Gobolka Hawd?    
Baligubadle (Ogaal) – Suldaan Maxamed Suldaan Cabdul-qaadir ayaa sheegay in xanuun dartii ay u suurta-geli wayday inuu sugo ka qayb-galka xafladii wanqasha Gobolka Hawd ee shalay ka dhacday magaalada Bali-gubadle. Halkaas oo uu markii hore Suldaanku u tagay ka qayb-galka xaflada, balse uu sheegay inuu …


Ururka TAF Oo Ugu Deeqay Cusbitaalka Maandhaye ee Burco Lacag Dhan 14,000 Dollar

TOP
June 30th, 2008

Shirwaynihii ururka Togdheer Abroad Foundation ee marka magciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano TAF ayaa ka dhacay magaalada Manchester 28/06/08 shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen laanta ururka ee magaaladaasi waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimi dhamaan wadanka Ingriiska dadkaas oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahano Xildhibaano,  Abwaanno …


Iska-horimaad ka dhacay Bariga Berbera oo hal qof ku dhintay

June 29th, 2008

 
Berbera (Somaliland.org) – Hal wiil oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay iska horimaad maanta ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera, halkaas oo ay tacshiirad isku weydaarsadeen ciidanka Booliska iyo koox dabley ah.
Iska horimaadkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf dhul, waxana la sheegay in ciidan boolis ahi ay …


Dareemada ka dhashay Booqashadii Riyaale ee Jabuuti: Faallo By: C/risaaq M. Dubbad,

TOP
June 29th, 2008

Inkasta oo Daahir Riyaale kaga dhawaaqay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa munaasibaddii 18ka May inuu hagaajinayo xidhiidhka Somaliland la leedahay derisyadeeda, isaga oo xusay inay jiraan dalal – aanu xusin – oo xidhiidhkooda Somaliland aanu wanaagsanayn, isla markaana uu ballanqaaday inuu ka hawlgelayo iyagana, haddana, booqashadii uu toddobaadkii hore ku tegey Jabuuti waxay ahayd mid …


Xaflad wacdaro leh oo loogu wanqalay Gobolka Hawd oo maanta ka dhacay Balligubadle

June 29th, 2008

Balligubadle (Somaliland.org) – Xaflad ballaadhan oo loogu wanqalayey magacaabista cusub ee Hawd ayaa maanta lagu qabtay magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Balligubadle.
Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana labadii maalmood ee u dambeeyey ay ku qulqulayeen dadweyne tiro badan oo ka kala yimi magaalooyinka Somaliland, kuwa dalalka deriska iyo dunida …


Faysalow, Maxaad Ka Weydey Dahabshiil?

TOP
June 29th, 2008

Toddoba qodob ayaa mudnaa inaad xusuusnaato intaan hadalku dibedda ka wada iman. Inaad xeerisay ahayd: (1) Inay dadweynaha ku dhegeysanaya ama ku daawanaya ama ku akhriyaya yihiin kuwaad codka ka dooneyso; (2) Inaad dadka kale uga baahi badan tahay inaad muuqato nin isu dheellitiraya xumaantiisa iyo samaantiisa; aflagaadadiisa iyo ammaantiisa, si uu uga badbaado in …


Degmada Balligubadle oo Martigelisey madaxweynekuxigeenka iyo Dadkii ugu tirada badnaa ee ka qaybgelaya Xafladda Gobolka Hawd

June 28th, 2008

Balli-gubadle (Somaliland.org) – Masuuliyiin ka kala socda xukuumadda, hay’adaha dowladda iyo Golayaasha Qaranka, siyaasiyiin ka kala socda xisbiyada siyaasadda, aqoonyahanno, madax-dhaqameedyo iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ilaa maanta iyo caawa ku sii qulqulaya magaalada Balligubadle, halkaas oo burrito lagu qaban doono Xaflad ballaadhan oo loogu wanqalayo Gobolka cusub ee Hawd oo xaruntiisu tahay …


Odayaasha Bariga Sanaag oo dedaal ugu jira soo deynta Lammaane Jarmal ah oo Afduub loogu haysto deegaankooda

TOP
June 28th, 2008

Ceerigaabo (Somaliland.org) – Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Bariga Sanaag ayaa dedaal ugu jira sidii ay u soo furan lahaayeen lammaane Jarmal ah oo koox budh-cad badeed ahi ku haysato buuraleyda Calmadow ee bariga Gobolka Sanaag.
Lamaanaha Jarmalka ah oo la sheegay in Budh-cad badeed ka soo afduubtay Yemen, iyaga oo ku jira safar dhinaca badda ah, …


Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii maanta, Sabti, 28 June

June 28th, 2008

Wasiirradayadu may fadhiisteen Xafiisyada aan arkay”
“S/land waxaan imid iyadoo la’igu soo dar-daaray Rasaasta iska jir”
 
Makwaia wa Kuhenga – Warbixin
 
Hargeisa (Ogaal/DailyNews)- “Dad badani kama war hayaan inay Afrika ka jiraan laba dal oo isku magac ah, isla markaana isku dad ah. Dalka caanka ahi (labada dal) waa Somalia, oo caasimaddiisu tahay Muqdisho, oo ah Qaran burburay. …


Xaflad loo sameeyey xuska 26 June oo caawa lagu qabtay Madaxtooyada

TOP
June 26th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Munaasibado loo sameeyey xuska sannad-guuradii 48aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland gobanimadeedii luntay ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska, 26 June 1960 ayaa maanta iyo caawa lagu qabtay meelo kala duwan oo Somaliland ah.
Munaasibadaha xuska 26ka June waxa maanta lagu qabtay gobolada dalka qaarkood, iyada oo magaalada caasimadda ah ee Hargeysa oo aan …


Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis, 26 June

June 26th, 2008

Caafimaadka qoys ku afduuban Laasqoray oo laga dayriyay iyo dilaaliin la xidhiidhay budhcada
 
Laasqoray (Ogaal) –  Wiil yar oo ka mid ah qoys afar ruux ka kooban oo u dhashay dalka Jarmalka oo afduub loogu haysto Buuraha magaalada Laas-qoray ayaa laga dayriyay xaaladiisa caafimaad, sida uu wakaaladda wararka AP u sheegay mid ka mid ah …


82 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008